XOG: Mukhtaar Roobow oo diiday cunadii, kaddib xaalad adag

Sheekh Mukhtaar Roobow, oo u xiran sanadkii saddexaad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soomay cuntada, kaddib markii ay soo wajahan duruufo nolaleed.

Yuusuf Xasan Mursal, oo kamid siyaasiyiinta Reer Koonfur Galbeed ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC News Somali in tan iyo khamiistii uu diiday inuu wax cuno Roobow.

Waxaa uu xusay inay arrintan ka dambeysay kaddib markii xaalada buuq iyo isla-hadal ah ay soo foodsaareen Mukhtaar Roobow oo DFS ugu xiran guri ku yaal agagaarka xarunta Hay’adda Nabad-sugida ee Maama Khadiija.

Sheekh Mukhtaar Roobow, oo mar soo booqday kuxigeenka Hoggaamiyaha kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaddibna dagaal la galay ayaa DFS kasoo xirtay magaalada Baydhabo sanadkii 2018, kaddib markii uu iska diiday dalab uga yimid Farmaajo iyo Fahad oo ahaa inuu ka haro tartanka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, madame uu ka saameyn badnaa Cabdicasiis Laftagareen oo hada ah Hoggaamiyaha Maamulkaas.

Idilnews