Qardho oo laga daah-furay Barnaamijka Maareynta Xogta Dowladaha hoose ee FMIS (Sawirro)

Maamulka degmada Qardho ayaa maanta daahfuray wejiga labaad ee Barnaamijka Maareynta Xogta Dowladaha hoose ee FMIS,kaasoo ay ka caawinayso Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kaashanaysa Bangiga Adduunka.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid ayaa xusay in Barnaamijkan uu si weyn u anfacay wejigiisii hore oo ay ku isticmaali jireen bixinta kharashaadka, xareynta dakhliga iyo maareynta miisaaniyadda dowladda hoose.

Barnaamijkan oo casharadiisa ay bixinayeen xubno ka socotay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa wejiga labaad waxa lagu baranayay in shacabka Qardho cashuurta ku bixiyaan hab fudud iyagoo adeegsanaya Mobile Payment sida cashuurta daaraha,cashuurta ganacsiga iyo cashuurta gaadiidka kala duwan.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale waxa lagu baranayaa sidii loo maamuli lahaa mushaharaadka shaqaalaha (Payroll Management).