Sudan: 20 qof oo lagu dilay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed

Sudanese security forces ensure security during a rally upon the arrival of Sudanese president for a visit in al-Geneina, the capital of the West Darfur state, on April 2, 2016. - Omar al-Bashir started a tour of Darfur on April 1, 2016 ahead of a referendum on whether to keep the conflict-torn western area as five states or to create one united region. Bashir -- who is wanted over war crimes allegations in Darfur -- said he is holding the vote under a 2011 agreement between Khartoum and some of the rebel groups that have been battling his forces for more than a decade. (Photo by ASHRAF SHAZLY / AFP)

Ugu yaraan labaatan qof ayaa lagu diley dagaal qabiil oo uu sababey dhul beereed, kaasoo u dhaw El Geneina, gobolka galbeedka caasimadda Sudan, sidaasi waxaa qorey wargeyska gaarka loo leeyahay ee al-Hamish.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tuulooyin dhawr ah lagubay, iyadoo dad gaaraya boqolaalna ay ku barakaceen dagaalkan. Lama sheegin magacyada qabiilada dagaalkan ku lugta leh.

Si kastaba ha ahaatee, isku dhacyada qabaa’ilada Carabta iyo kuwa aan carabta aheyn, ayaa ka noqdey wax inta badan ka dhaca gobolka.

Isku dhacyada qabaa’ilada ayaa kasii darey gobolka Darfur markii uu ka bilawdey dagaal illaa iyo bishii December ee sanadkii 2002-dii.

Qaraada Midoobay, ayaa markaa kadib u dirtey halkaasi ciidamo nabad ilaalin ah oo kasocda Midowga Africa, iyadoo markii danbe hawlgalkaasi uu dhamaadey.

Dagaaladan galaaftey boqolaalka ruux, ayaa wali sii socda, inkastoo wali ay ku jiraan xaalad deg deg ah qeybo kamid ah Darfur.

Idilnews