Al-Shabaab oo la wareegtay deegaano cusub oo kamid ah Gobalka Mudug

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay sinabad ah Ciidamadooda kula wareegeen deegaanka Dhag-haye oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Qoraal lagu daabacay Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in degaanka ay la wareegeen ee gobolka Mudug ay isaga baxeen Ciidamada dowladda oo ku sugnaa, sidaasina ay kula wareegeen.

Warkan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli toodbaadyadii la soo dhaafay meelo kamid ah Koonfurta Gobolka Mudug ay ka dhacayeen dagaalo u dahxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21aad weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan inay la wareegeen degaanka Dhag-haye oo u dhow degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.