Baarlamaanka Puntland oo la galiyay fasax saddex maalmood ah

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa galay fasax muddo saddex bari ah, kaddib si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay Isniintii.

Hindise-sharciyeedkan oo uu Baarlamanka u soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, waxa lagu wareejiyay guddiga Arrimaha bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamanka, si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad.

Fadhiga Baarlamanka ayaa sida qorshaysan la isu’gu soo laaban doona maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah.

Fasaxan maalmaha ah ee Baarlamaanka untland ayaa kusoo aadaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka dhex jirto gudaha Baarlamaanka, kaddib meel-marintii Wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka Baarlamaanka Puntland, kaas oo ay ka hortimid Madaxtooyadda Puntland.

Idilnews