Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Kenya (Sawirro)

Nairobi: 16 July 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sidiid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan Qado Sharaf ah oo ay ku casumeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa Madaxweynaha looga mahadceliyay shaqadii wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland gaar ahaan Amniga Gobolka Mudug, sidoo kale waxay masuuliyiinta munaasabadda ka qeybgalay ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen siyaasada uu ku hoggaamiyay Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo doorkiisii uu dalku kaga gudbay marxaladii kala guurka aheyd Doorashona ugu jiheystay.

Ugu danbeyna Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya la wadaagay masuuliyiinta iyo marti sharafta kale ee kulanka ka qeybgalay.