Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Dib-u-habeynta Maaliyadda (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kulan kula magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Turkiga Mehmet Yilmaz.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda. Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay Danjire Yilmaz doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo horumar Soomaaliya.