Baarlamaanka Puntland iyo QM oo ka wada-hadlay doorashada xubnaha Aqalka Sare (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay Hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Saraakiisha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka DFS iyo xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiilladda Puntland iyo Qaramada midoobay.