Iraq: Kooxaha Iran ay taageerto oo soo dhoweeyey go’aanka Biden

Dhowr ka mid ah kooxaha awoodda badan ee Iraq ee Iran ay taageerto ayaa soo dhoweeyey go’aan kasoo baxay Washington oo lagu sheegay in Mareykanka uu soo geba-gebeynayo howlgallada dagaal ee Iraq dhammaadka sanadkan, taasi oo ah arrin ay muddo dalbanayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii yiri “Dhammaadka sanadkan kuma jiri doonno howlgal dagaal,” xilli uu marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhemi oo wada-hadallo u yimid Aqalka Cad.

Ciidamada Mareykanka ayaa sii wadi doono inay tababaro iyo kalamooyin siiyaan militariga Iraq, oo ay qeyb ka tahay iskaashi dhanka sirdoonka ah, taasi oo aan buuxineyn dalabkii kooxaha Iran ee taageerto oo ahaa bixitaan dhameystiran.

Hase yeeshee, Isbaheysiga Furashada, oo ah garabka siyaasadeed ee kooxda sida militariga u tababaran ee Hashed-al-Shaabi, ayaa sheegay inay go’aanka Biden u arkaan “tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka madax-banaanida buuxda ee Iraq.”

“Waxaan rajeyneynaa in tani ay ka muuqan doonto dhulka,” ayey tiri kooxda.

Dowladda Iraq, oo wajaheysay kooxda Daacish oo qabsatay meelo badan oo dalka ka mid ah, ayaa ciidamada Mareykanka ku casuuntay Iraq 2014-kii – saddex sano kadib markii ay soo geba-gebeeyeeen sideed sano oo ay haysteen dalkaas, taasi oo billaabatay markii ay xukunka ka tuureen madaxweyne Saddam Xuseen.

AFP/VOA