Xulka Gobalka Haylaan oo u gudbay wareega afar dhamaadka Ciyaaraha Puntland (VIDEO)

Xulka kubadda cagta Gobalka Haylaan ayaa guul ka gaaray dhigooda Gobalka Sanaag, kaddib kulan ciyaareed ka dhacay galabta garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe, kaas oo ahaa kii ugu dambeeyay ciyaaraha Group-yada.

Xulka Gobalka Haylaan ayaa xaqiijiyay inuu kamid noqoshada xulalka u gudbay wareega afar dhamaadka ee Tartanka 8-aad ee Gobalada Puntland, oo ay horey u joogeen Gobalada Mudug, Cayn, iyo Nugaal.

Idilnews