La-taliyaha Amniga Qaranka ee UAE oo la kulmay Erdogan

Lataliyaha Amniga Qaranka Wadanka Imaaratka Carabta ayaa gaarey wadanka Turkiga asagoo Madaxtooyada Turkiga kula kulmey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan.

Turkiga ayaa ku eedeyey Imaaratka Carabta iney wax ka maleegtey Afgambigii dhicisoobey ee Wadanka Turkiga ka dhacay sanadii 2016, balse Imaaratka Carabta ayaa beeniyey Eedeymahas.

Dalalkan ayaa isku qilaafey arrimo dhowr ah loolanka ugu adag ee ka dhaxeeyo ayaa ah Sareynta Saameynta Caalamka ee dalalkan iyo Cida wax laga weydiinayo Dunida Muslimka, Turkiga hada wuxuu isku arkaa inuu yahay wadanka ugu awooda badan dalalka Muslimiinta.

Idilnews