Xulka Gobalka Mudug oo ku guuldareystay inuu u gudbo Finalka Ciyaaraha Puntland (VIDEO)

Xulka Gobalka Haylaan ayaa iska xaadiriyay Finalka Tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii ay Rigoole 4-5 ah uga adkaadeen dhigooda Gobalka Mudug, ciyaar ka dhacday galabta garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90+ daqiiqo ee loogu talagalay kusoo dhamaatay ismari waa 1 iyo 1 ah, iyadoona intaas kaddib loo gudbay Gool ku’laad, waxaana Haylaan ay xaqiijisay inay shabaqa ku hubsato 5 kubadood ee Ciyaaryahanadoodu laa’deen, halka Mudug ay laga qabtay laadkii ugu dambeeyay ee 5-aad.

Xulka Gobalka Haylaan ayaa ciyaarta Finalka ay isku arki doonaan Gobalka Nugaal oo isagu shalay iska xaadiriyay Finalka.

Idilnews