Haweenka Puntland oo lagu dhiira-galinayo ka qeyb-qaadashada Dilmuquraadiyeynta (VIDEO)

Daladda ururada bulshada rayidka ee Puntland iyo Gudigga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa Magaalada Qardho ku qabtay kulan loogu magac-daray hawl-gelinta haweenka cod-bixiyayaasha ah.

Ujeedada barnaamijkaan ayaa looga gol-leeyahay awood siinta haweenka ee ka qayb-galka Siyaasada iyo sidii ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen cod-bixinta doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee dhawaan qabsoomi doonta.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka daladda Punsa Mustafe Cabdilaahi, Gudoomiyaha Gudigga KMG ee doorashooyinka Puntland ee Gobolka Karkaar Maxamuud Ismaaciil, Gudoomiyaha ururada haweenka Qardho Faaiso saciid Cali, Gudoomiye ku xigeenka dallada dhalinyarada Keynet Sucaad Xasan Shire iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qayb-gallay kulankaan.