Xuska Sanadguurada 23-aad Ee Puntland Ohio lagu qabtay

Jaaliyadda Puntland ee gobolka Ohio ee cariga Maraykanka ayaa qabtay munaasabad lagu maamuusayay 23 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed

Waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyada oo fankuna kaalin  muuqata ka ciyaarayay.

Inta Baddan dadkii ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga sheekeeyay marxaladihii ay Puntland soo martay iyo Halka ay manta joogto.

Qurba joogta ayaa isku booriyay in dalka dib loogu laabto lana sameeyo maal gashi dhan walba ah.

Ganacsato dhawaan booqatay Puntland ayaa ka sheekeeyay isbadalka jira iyo halka ay tahay in la gaaro.

Bulsho walba waxaa laf dhabar u ah Nabadda waxaana la isku raacay in Nabad la isku halayn karo ay ka jirto deegaamadaasi.

Puntland oo ah maamulkii ugu horeeyay oo Soomaaliya laga hirgaliyay ayaa gaaray Horumar dhan walba ah.
War-baahinta Idil oo ahayd war-baahinta kaliya ee  ka qayb-gashay ayaa bulshada reer Puntland ugu adeegaysa meel kasta oo ay joogaan.
Ali Abdulle farah Idilnews OHIO.