Wasiir Cabdullaahi oo fariin u diray ganacsatada iyo qurbajoogta Puntland (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay qorshayaal lagu hormarinayo Waxbarashada Puntland, kuwaas oo qaarkooda la fuliyay.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wareysi siiyay Puntland State TV ayaa xusay in Xukuumadda Puntland kor u qaadayso tayada waxbarashada deegaanka, iyadoo Dowladdu kordhinayso dhaqaalaha ay ku bixiso waxbarashada, si loo helo ubad aqoontoodu wanaagsan tahay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Waxbarashadu ay bilowday hirgalinta dugsiyada sare ee farsamada gacanta, si loo helo arday u diyaarsan inay shaqeeyaan kolka ay dugsiyadda sare kasoo baxaan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay ganacsatada, qurbajoogta iyo dhamaan bulshada Puntland inay ka qeyb qaataan hormarinta Waxbarashada Puntland, si looga gudbo caqabadaha jira.

Idilnews