Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul u weeraray Fahad iyo Farmaajo (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weerar afka ku qaaday Taliyaha Nabad-sugida Fahad Yaasiin, isagoona sheegay in uusan waxba kala socon shaqada sirdoonka, ayna taas horseeday in laga adkaan waayo Ururka Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu xilka ugu dhiibay Fahad in uu isaga soo dhisay darteed, balse aan lagu keenin khibrad, taas bedelkeedna ay dalka dhooban yihiin dad aqoon u leh Arrimaha Sirdoonka, horseedi lahaana in laga adkaado Argagixisada.

“Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha ahaan jiray aan dhaho ii qabo Nabadsugida ka waran” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qeybgalay madal fagaare ka hadal ah.

Idilnews