Puntland oo heshiis dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Gobalka Bari (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta ka qeyb galay kulan lagu dhex dhaxaadinayo beelo wallaalo ah oo ay shaqaaqo ku dhex martay Deegaanada Bargaal Iyo Gumbax kulanka ayaa waxa u ka qabsoomay xarunta maamulka Gobolka Bari.

Waxa kulanka ka soo qeyb galay wasiirdulaha wasaarada arrimaha Gudaha Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Guddiga xalinta shaqaaqada dhex martay beelaha waalaha ah, Nabadoono, Cuqaal, isuduwayaasha wasarda arrimaha gudaha ee gobolada Gardafuu Iyo Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna labada beelood ee ay shaqaaqadu dhex martay ugu baaqay in ay qaataan nabada waxa uuna ballan qaaday in ka maamul ahaan si weyn uga qeyb qaadan doonan nabadeeynta beelaha walaalaha ah.

Idilnews