Hay’adda PDRC oo baaq kasoo saartay colaada deegaanka Saax-maygaag (Akhriso)

Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista dowladda Puntland dee PDRC ayaa baaq nabadeed u dirtay beelo walaalo ah oo diriri ku dhexmartay deegaanada Finley iyo Saax-maygaag, iyadoona sheegtay inay oa walaacsan tahay xaalada dirirtaas.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay PDRC.

BAAQ-NABADEED

Xarunta Horumarinta iyo Cilmbaarista Puntland (PDRC) waxay muddo ka badan 23 sano ka soo shaqaynaysay arrimaha Nabadaynta Bulshada, Dawlad-dhiska iyo Dimoqraadiyeynta nidaamka siyaasadeed guud ahaan. Xaruntu waxay gacan ka geysatey daminta iyo nabadaynta colaadihii dhex maray bulshada kuwaas oo u badnaa colaado ka aloosmay deegaamaynta dhul- daaqsimeedka, qaybsiga biyaha iyo baadka. Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay soo noq-noqoshada colaadahaas oo sababa khasaaro nafeed, burbur hanti iyo bara-kac baahsan. Waxa kale oo colaadahaas mararka qaarkood ku fidaan oo si weyn looga dareemaa magaalooyinka iyo tuulooyinka.

PDRC waxay ka walaacsan tahay colaadda haatan ka aloosantay Finley/Boocame iyo agaagaarkooda. Waa nasiib darro tii ugu xumayd colaaddaas ka dhex qaraxday labadaas beelood oo ah beelo dhalasho iyo derisnimoba wadaaga. Durba colaaddaasi waxay galaafatay barbaar iyo waayeel, isla markaana sababtay barakac iyo kala irdhow bulsho wada noolayd.

Haddaba, Xarunta PDRC waxay ku baaqeysaa in colaaddaas la afqabto oo si degdeg ah loo joojiyo. Xaruntu waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato daminta colaaddaas iyada oo la kaashaneysa Guddiyo ku waayo-arkay colaado horay u dhex maray bulshooyin la deris ah, kuwaas oo ku soo guulaystey soo afjaridda colaaddii “Cadaadda” ee lagu nabday degmada Maygaagle sannadkii 2017kii.

Mahad Dhammaanteed Allaah SWT ayey u sugnaatay.

Idilnews