Booliska Puntland oo digniin adag u diray dadka ka ganacsada Maandooriyaha (VIDEO)

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa digniin adag u diray dadka isticmaala & kuwa ka Ganacada Maandooriyaha Khamriga.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo kormeer amni u tegay Saldhigyada Booliska Magaalooyinka Carmo iyo Ceeldaahir ayaa sheegay inay jiraan dad Magaalooyinka kala duwan ee Puntland Khamriga kasoo geliya Magaalada Carmo, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo baahan yahay inay joojiyaan.

Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono kuwa isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Booliska Puntland ayaa marar badan gacanta ku dhigay Gaadiid siday waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo Goobo fagaarayaal ah lagu gubay, sidoo kalena dad loo maxkamadeeyay.

Idilnews