La-taliyihii Farmaajo ee Arrimaha Badda oo geeryooday

Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Injineer Saalixi oo ahaa khabiir aqoon dheer u leh cilmiga badda, ahaana la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaana Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo ay soo wadashaqeeyeen uu bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf.

“Injineer Salihi wuxuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, aamin ah, howsha uu hayana si taxadar leh u guta. Wuxuu ahaa shaqsi aanan ismuujin ama ku faanin howsha adag ee uu qaranka u haayay” ayuu raaciyay C/raxmaan Aadan Cusmaan.

Injineer Saalixi ayaa sidoo kale ahaa ninkii xifdiyay keydka macluumaadka iyo xogta badda Soomaaliya wixii ka dambeeyay bur-burkii, waxaana intii ay socotay dacwadda badda lagu ammaanay xifdinta macluumaadkaas.

Allah ha u naxariiste Injineer Saalixi ayaa sidoo kale intii ay socotay dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya wuxuu socdaal ku maray waddamada Mareykanka, dalalka Yurub iyo Africa, isagoo qurbajoogta Soomaaliyeed xog iyo warbixin ka siiyay badda Soomaaliya, wuxuuna ahaa ninkii soo jeediyay hadalkii gunaanadka ahaa ee Soomaaliya ee gabagabada doodda labada dal ee maxkamadda ICJ.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo ahaa madaxda ergada Soomaaliya ee dacwada badda ayaa ka tacisiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa “laf-dhabar dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya”, isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar la’aan ah.

Idilnews