Puntland oo baaritaano dheeraad ah ku sameynaysa dadka galaya Boosaaso (WARBIXIN)

Dowladda Puntland ayaa feejignaan dheeraad ah galisay Ciidanka Amniga Puntland ee ku sugan kantaroolada laga galo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidammada Booliska ee ku sugan kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la faray inay baaritaano ku sameeyaan dadka galaya magaalada, xilli ay Boosaaso ku qulqulayaan kumanaan qoys oo dib ugu laabanaya magaalada, maadama uu dhamaaday xilligii xagaa baxa.

Dadka magaalada galaya ayaa Boolisku weydiinayaan halka ay ka yimaadeen, iyo meesha ay ku socdaan, waxaana si gaar loo wareysanayaan dhalinyarada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa dhowaan faray laamaha amniga Gobalka Bari adkeynta Amniga magaalada, isagoona si gaar ah ugala dardaarmay Booliska ku sugan kantaroolada laga soo galo Boosaaso inay si wanaagsan ula macaamilaan shacabka soo galaya magaalada, loona dhimriyo hooyooyinka iyo carruurta.

Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojisay la-dagaalanka Argagixisada, waxaana boqolaal kamid ah noocyada kala duwan ee Ciidanka iyo Sirdoonka Puntlanf lagu daabulay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo muddo dhibane dadkoodu u ahaayeen ugaarsiga Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoona gacanta lagu dhigay illaa 20 shabakadood oo kooxahan uga howlgali jiray labadan magaalo, oo haatan laga dareemayo reyn-reyn Amni.

Idilnews