Hiiraan: Ciidamada DFS iyo AMISOM oo ku baxay deegaano dagaalo ka socdaan

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya, Maamulka Hir-Shabeelle iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa waxaa ay Maanta ku baxeen degaannada Kabxanleey iyo Deefoow ee Waqooyiga Magalada Beledweyne, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.

Ciidamada oo ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa waxaa markii hore banaanbax kala hortegay qaar kamid ah Shacabka kunool Magaalada Beledweyne, kuwaas oo sheegayay in muddo ka badna 10 Cisho ay dhinacyada dagaalamay isku fiirsanayeen.

Ciidamada ku baxay dagaalka degaannada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa waxaa wehlinaya qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, waxaana ay halkaasi u tagayaan in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la filayaa inay kala qaadaan dhinacyada dagaalamay oo saacadihii la soo dhaafay dagaalkii dhex-maray uu sababay dhimashada in ka badan 15 Ruux iyo dhaawaca tiro kale iyo in la gubo Guryo iyo Beero ay leeyihiin dad Shacab ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya , Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan baaq kasoo saaray dagaaladaas, iyaga oo dalbday in si shuruud la ahaan ah lagu joojiyo.

Idilnews