Shirweynaha sanadlaha ah ee Guddiga TPEC oo maanta lasoo gaba-gabeeyay (VIDEO)

Waxaa maanta magaalada Garowe ugu soo gabagaboobay xubnaha sare iyo shaqaalaha xarunta dhexe iyo xafiisyada heer Gobol iyo Degmo ee TPEC shirkoodii sanadlaha ahaa oo socday muddo saddex bari ah.

Mudadii shirku socday waxa ay qaateen shaqaalaha kala duwan ee Guddigu tababaro la xariira Geedi socodka hanaanka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale hawlwadeenada TPEC ayaa soo bandhigay caqabadihii ay kala kulmeen diiwaangalintii saddexda dagmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, waxaana goobjoog ka ahaa soo bandhigida caqabadaha wakiilo ka socda Ururadda Siyaasadda oo iayaguna ku darsaday talooyin ku aaddan casharadii laga bartay diiwaangelinta.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa ugu mahadceliyay dhamaan shaqaalaha TPEC shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna kula dardaarmay inay marwalba ilaaliyaan cadaalada iyo dhexdhexaadnimada si hufana ugu adeegaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Idilnews