Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in marqura ay ka warheleen madaafiic kusoo dhaceysa degaanka, waxaana la sheegay inay ku dhaceen in ka badan 10 madfac Gudaha xerada iyo Agagaarkeeda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarka madaafiicda ah ay ku darayaan inay jiraan khasaarooyin ka dhashay madaafiicda, balse ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kalena aysan faah faahin ka bixin saraakiisha Ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi ee ku sugan Saldhiga la weeraray ayaa dhankooda waxaa ay werarkaas uga jawaabeen madaafiic xoogan oo ku dhacayay duleedka degaanka buuranee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Idilnews