Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay xalay meel kamid ah dalkaas kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala Degmada Mamelodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan.

Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfurka kuna sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in ka hor dilka muwaadinka ay wada murmeen kooxaha Burcadda ah iyo muwaadinka Soomaaliyeed sidaaasna uu dilka u dhacay.

Dalka Koonfurka oo ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan ayaa waxaa mar walba ka dhaca dilalka Soomaalida loo geeysanayo iyo in la boobo hantidooda

Idilnews