Rassia iyo Pakistan oo ka wada-hadlay xaalada Afghanistan

Hogaamiyeyaasha Pakistan iyo Russia ayaa ka wada hadlay mowqifkooda xaaladda dalka Afghanistan, sida lagu sheegay bayaan ka soo kala baxay labada dowladood ka hor shirka iskaashiga Shanghani oo dhici doono todobaadka dambe.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo Ra’iisul wasaaraha Pakistani Cimran Khaan ayaa telefoon ku wada hadlay tallaadadii, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

“Wada hadalka wuxuu ku saabsanaa xaaladda Afghanistan iyo sidii mowqif mid ah uga yeelan lahaayeen isla markaana loo heli lahaa waddadii lagu raadin lahaa xasiloonida,” sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Russia.

Sidoo kale, war saxaafadeedka ka soo baxay Pakistan ayaa lagu yiri “Wada tashi iyo wada shaqeyn ku saabsan xaaladda Afghanistan waxaa yeeshey Pakistan iyo Russia iyadoo laga duulayo ahmiyadda dalkaas”.

Waxaa intaas lagu daray in Ra’isul wasaare Khaan uu adkeeyay intii wada hadalka socday in diiradda la saaro nabadda iyo xasiloonida Afghanistan sidoo kalena Pakistan ay ka fileyso bulshada caalamka in ay arrintaas ka shaqeeyaan.

“Ra’isul wasaare Cimran Khan waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in bulshada caalamka baaqi ku ahaato xiriirka Afghanistan,” ayuu ku yiri bayaanka.

Khan waxaa uu sidoo kale ku baaqay in gargaar deg deg ah oo bani aadanimo loo diro Afghanistan si looga baaqsado dhaqaale burbur ku yimaadda dalkaas.

isniintii, qaaraan bixiyaasha caalamka waxay ku yabooheen in ka badan hal bilyan oo doolar oo wax looga qaban doono gaajada iyo saboolnimada ka jirta dalkaas ka dib la wareeegitaanka Taliban.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in ka badan 14 milyan oo reer Afghanistan ahi qarka u saaran yihiin macluul haddii aan si deg deg ah looga jawaabin.

Kaydka Federalka ee Maraykanka, Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka, ayaa iyagana sii waday xayiraadda ay ku hayaan hantida Afgaanistaan, tallaabadan ayaa la qaaday kadib markii Taliban ay awoodda kala wareegtay dowladda Afgaanistaan ​​ee la doortay.

Idilnews