XOG: Ma dhab baa in sirdoonka Mareykanka ay Jabuuti ku xireen Fahad Yaasiin ?

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka kexeystay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti ee DJabuuti Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, udub dhaxaadna u ah khilaafka siyaasadeed iyo jahwareerka ka taagan Muqdisho.

Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kala degay saaka Fahad Yaasiin diyaaradda Turkish Airlines, kaddib markii diyaarada oo toos uga degi laheyd Muqdisho, lagu amray inay marto Jabuuti, maadama aysan Muqdisho keeni karin Fahad Yaasiin.

Ilo dhanka sirdoonka ah ayaa u sheegay Idilnews in Sirdoonka Mareykanka ay Fahad Yaasiin u qaateen markab Ciidan oo taagan xeebaha Jabuuti, ayna u badan tahay in halkaas lagu xiro.

Talaabadan ayaa la sheegay inay hordhac u tahay go’aan adag oo kasoo baxaya Beesha Caalamka, kaas oo dhigaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa, kuwaas oo ku eedeysan inay wadaan qorshe ka dhan ah doorashooyinka Soomaaliya, oo sababi kara in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye.

Idilnews