Booliska Puntland oo la baray sugida Amniga Doorashooyinka BJFS (VIDEO)

Saraakiil kamid ah Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay tababar uga socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kaas oo lagu baranayay sugida Amniga Doorashooyinka BJFS.

Tababaradan ayaa lagu siinayay Saraakiisha casharo ku aadan sugida Amniga Doorashooyinka iyo sidii ay ula macaamili lahaayeen dhinacyada ka qeybqaadanaya Doorashooyinka, sida musharixiinta xildhibaanada iyo ergada codeynaysa.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, oo maanta tababar ugu soo xiray Garoowe saraakiil Boolis ah ayaa kula dardaarmay in casharada sugida Amniga doorashooyinka ee ay qaateen ay noqdaan kuwo ku dhaqma waqtiga lagu jiro doorashada.

Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa ah goobaha loo asteeyay in lagu soo doorto Xildhibaanada ku matalaya Puntland Golaha Shacabka BJFS, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo lagu xoojinayo Amniga.

Idilnews