TPEC oo berri bilaabaya qeybinta kaararka cod-bixiyayaasha Puntland (VIDEO)

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka dowladda Puntland ayaa maalinta berri ah bilaabaya qeybinka kaararka cod-bixiyayaasha doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Afhayeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in la 20-ka September 2021
oo ku beegam birii oo Isniin ah ay bilaami doonto Kaarar bixinta saddexda Degmo, sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay in qofna qof kale kaarkiisa uqaadi Karin.

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa loo madlan yahay in 25 bisha soo socota ee October ay ka dhacdo doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanada Puntland, waxaana ay noqonayaan deegaanadii ugu horeeyay ee kamid ah Puntland oo ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Idilnews