Shir looga hadlayo dhireynta magaalooyinka Puntland oo ka dhacay Garoowe (VIDEO)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kuqabatay shir wadatashi iyo isku diyaarin ah oo ku saabsanaa sidii dawlada Puntland laamaheeda kaladuwan iyo bulshada ay isugu diyaarin lahaayeen ulana wareegi lahaayeen wajiga koowaad ee barnaamijka dhirtaynta dawlada Puntland iyo dawlada Ethiopia ay iska kaashanayaan.

Shirkaan waxaa kasoo qaybgalay wasiiro, agaasimeyaal iyo xubno ka kalasocda wasaaradaha arimaha gudaha, Waxbarashada, Duulista Hawada, duqa caasimada Garoowe, maamulada xaafadaha kaladuwan ee Garoowe, gudiyada ardaydada jaamacadaha, shirkadaha kaladuwan ee adeegyada iyo masuuliyiin kale waxaana halkaas lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee kusaabsan udiyaargarowga dhirtan oo ka koobnaan doonta Shanmilyan oo Geed qaybta ugu horaysa oo 50kun oo geed ahna ay imaanayso 25ka bishan September.

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo gabagabadii shirkaas ka hadlay ayaa ka codsaday qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo laamaha dawladuba inay kaalin mugleh ka qaataan soo dhawaynta iyo talaalida dhirtan oo la rajaynayo inay waxbadan ka badasho bilicda iyo cimilada magaalooyina Puntland.

Idilnews