Garoowe: Shirkii gaarka ahaa ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo baaqday

Waxaa dib-u-dhac kooban uu ku yimid Shir gaar ah oo u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, lana filayay inuu maalinimada berrito ah uu ka furmo magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Shirka loo bedelay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, uuna kasoo qeybgalayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ah guddoomiyaha Golaha Wada-tashiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Shirkan uu qabsoomayo ilaa 25 bishan September, waxaana la sheegay inuu iclaamin doona Ra’iisul Wasaaraha. Shirka gaarka ah ee dhexmari lahaa Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha DFS ayaa lagu go’aamiyay kulanka aalada ZOOM ku dhexmaray Madaxda DG, waxaana loo arkayay mid wiiqaya awooda Ra’iisul Wasaaraha oo khilaaf uu kala dhexeeyay Farmaajo oo waqtigiisii dhamaaday.

Idilnews