Muxuu salka ku hayaa Khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Hirshabelle ?

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo Madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Maxamed Hagar (Dabageed).

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Khilaafkan uu salka ku hayo kaddib markii Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle uu dalbaday in si gaar ah loogu xiro kursi musharax uu wato, taas oo uu ka biyo diiday Cali Guudlaawe.

Khilaafkan ayaa sababay hakad ku yimid doorashadii Aqalka Sare ee BJFS maalmahan ka socotay magaaladda Jowhar, taas oo ay harsan yihiin 2 kursi, wararka ayaana sheegaya inay socdaaan dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka labada masuul.

Idilnews