Puntland oo ceel-biyood cusub ka hirgalisay deegaan biyo la’aan ka jirtay (VIDEO)

Wakaaladda Hormarinta Biyaha Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF Somalia ay ka hirgalisay kaamka Shangalle ee magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn Ceel-biyood cusub, kaas oo baahi weyn ay u qabeen dadka ku jira kaamka.

Guddoomiyaha gobalka Cayn Cabdifataax Ciise Maxamed, ayaa xariga ka jaray Ceel-biyoodkan, waxaana uu sheegay in baahi ay u qabeen bulshada kunool kaamkan, isagoona intaas ku daray inuu yahay ceelka ugu biyaha badan gobalka Cayn.

Idilnews