RW Rooble oo ka hadlay doorashada 6 Sanetor ee ka dhacday Afisyooni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray Senatorada maanta loo doortay lix kursi oo kamid ah kuraasta goballada Waqooyi ee ku matalaya Aqalka Sare ee BJFS.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;

1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2. Saalax Axmed Jaamac
3. Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar
4. Cismaan Abokor Dubbe
5. Layla Axmed Ismaaciil
6. Bilaal idiris Cabdullaahi

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan.”