Shir looga hadlayo xal u helista qaxootiga Yemen iyo Itoobiya oo ka dhacay Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay shir guddoomiyey kulan looga hadlayey xal u helista Qaxootiga Yemen ka yimaada, Muhaajiriinta Ethiopia ka timaada iyo sidii looga gudbi lahaa xaaladda barakace ee dadka danyarta ah.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Amniga, Haweenka, Cadaaladda, Qorshaynta, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland qaarkood, Qunsulka Guud ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo bandhigtay cadadka Muhaajiriinta Puntland soo galay January 2019 illaa August 2021, tirada ka baxday, tirada Qaxootiga diwaangashan, dadka Magangalyo doonka ku jooga iyo tirada guud ee barakacayaasha ku sugan Puntland.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in laga wada shaqeeyo sidii xal waara looga gaari lahaa qulqulka Qaxootiga, loona yareyn lahaa Muhaajiriinta.

Idilnews