Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa goobtiisa Ganacsi ay ku dileen Maxamed Ismaaciil Kiish, oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Kooxaha ayaa ayaa ku dhex toogtay Ganacsadaha Dukaankiisa oo ku yaalla Magaalada East London ee dalkaasi Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib baxsaday.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay sidoo kale dhaceen Ganacsadaha ay dileen Dukaankiisa.

“Dhagarqabayaal hubaysan, ayaa Ganacsade Kiish Goobtiisa Ganacsi ugu galay oo toogtay, isla markaana dhacay Dukaanka, waxayna jebiyeen Camera CCTV-da Dukaanka ku xirneyd, si aan loo aqoonsan, balse Receiver-ka Camera-da uma suurtagalin inay qaataan ayuu yiri” qof goobjooge ahaa.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo doonayay inay gacanta ku dhigaan Kooxaha Burcadda ah, balse ay ku guuleysan waayeen.

Idilnews