Puntland iyo WFP oo ka wada-hadlay ka qeyb-qaadashada Arrimaha deg-deg ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa ugu sareeya Somalia ee hay’adda WFP Mr Elkhadir daloum Iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay is barasho iyo is xog-wareeysi Maamulka Gobolka Iyo Madaxda hay’adda WFP, mashaariicda socda iyo kuwa ay soo waddo hay’addu, ka qeyb qaadashada arrimaha deg-dega ah, Iyo arrimaha qaxootiga.

Guddoomiyaha ayaa Mr Elkhadir daloum waxa uu guddoonsiiyey agabka hidaha iyo dhaqankeenka soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Isuduwaha Wasarada sh/sh/dhalinyada iyo ciyaraha, Qeybo ka mid ah NGO yada WFP Iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda WFP.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisaamd Abwaan, ayaa ugu horeeyn xafiiska ku soo dhoweeyey madaxa ugu sareeya WFP Somalia Iyo madaxda kale ee ka tirsan hay’adda waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka waxa ayna ka wada hadleen mashaariicda ay hay’addu ka waddo Gobolka iyo kuwa soo socda.

Idilnews