Wasiirka Caafimaadka Puntland oo kormeeray Cusbitaalka Waaciye (VIDEO)

Wasiirka Wasarada Caafimaadka dawlada Puntland oo uu weheliyo Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland ayaa kormeeray cusbitaalka Guud ee degmada Waaciye kaasi oo ka mid ah xarumaha cafimaad ee ugu waawayn kuwa bixiya adeegyada guud ahaan Gobolka Karkaar.

Wasiir Jaamac Faarax ayaa mid mid u taggay qaybaha adeeg bixinta markaasnoo ay ka socotay shaqo, waxa uuna hawl-wadeena ka waraystay habka ay shaqadu u socoto, adeegyada ugu badan ee loo yimaado, xaaladaha hoooyada iyo dhalaanka.

Sidoo kale wasiiradu waxay tageen qaybta daryeelka dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19, markaas oo cidna aysan jiifin, degmada Waaciye ayaaana ka mid ahayd meelaha ugu daran ee xanuunkaan uu saameeyay.

Intaas ka dib Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudigga Caafimaadka degmada Waaciye iyo Hawl-wadeenadda Cubitaalka Guud, waxay ka warameen waxyaabaha u qabsoomay iyo waxa ay doonayaan in kaga caawiyo.

Wasiir Maxamed Cismaan Majiino.iyo Wasiir Jaamac Faarax ayaa dhankooda hadlay, waxayna tilmaameen dawlada ay dadaal gelinayo in sidda ugu dhaw loosoo dhamaystiro adeegyada maqan oo ay ugu horayso Raajadu, waxayna bulshada ugu baaqeen in bulshadu ay ka qayb-qaadato horumarinta adeegyadaan.

Idilnews