Madaxweyne Deni oo si dadban ugu jawaabay Qoorqoor (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si dadban u naqdiyay eedeymo loo jeedinayay Puntland maalmihii lasoo dhaafay oo ahaa inay taageertay Xoogaga Ahlusunna ee dagaalka kula galay Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan dhib iyo ammaan darro la dooneyn deegaan Soomaaliyeed, tii gaadhana ay lamid tahay inay gaartay Puntland.

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasillonid iyo horumarka Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Idilnews