Duqa Kismaayo oo furay kulan looga hadlay Dib-u-heshiisiinta Jubbaland (VIDEO)

Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa maanta daahfuray tababar ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland iyo hay’adda UNDP, kaasoo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa dowladda hoose ee degmada Kismaayo.

Tababarkan oo ku saabsan habraaca maamulka iyo maareynta Xafiiisyada ayaa waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa kula dardaarmay howlwadeenada loo qabtay tababrkan in ay ka faa’ideystaan bulshadana si wanaagsan ugu adeegan.

Idilnews