Xasan Sheekh oo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad ay ka dhacday dalka Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in xilka madaxweynaha aan la isku dhajin oo la aqbalo in ay doorasho ka dhacdo dalka afartii sanno mar.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan ka sheegay in subaxnimadii 8da Febraayo 2017 uu ka soo toosay gurigiisa isagoo madaxweyne ah habeenkiina u hoyday oo uu seexday isagoo aan Madaxweyne ahayn.

“8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan gurigeyga kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, si wanaagsana waan u seexday ee ma aha in la isku dhajiyo xilka haddii mudada kaa dhamaato” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku heshiisay in afartii sanno mar la qabto Madaxweyne, balse aysan ku heshiin in qof uu iska hayo xilka afar sano ka badan.

Idilnews