Puntland:-Xeerka La dagaalanka Maandooriyaha oo la ansixiyay.

Garoowe, November 14, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha DPL oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.

Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.