Maraykanka oo laga yaabo in uu cunaqabatayn kusoo rogo Mustafe Cagjar

Waxaan NGO-yada kala shaqayn doonaa sidii loo xaqiijin lahaa warbixinta sheegaysa in Mustaf Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida uu si khasab ah u Askareeyo Carruurta aan Qaan-gaarin ee Ogadenya, si ay uga qaybgalaan dagaalka Tigreega.

Waxaan riixeynaa in Mareykanku uu cunaqabateyn ku soo rogo Madaxweyne Cumar haddii wararkaasi la xaqiijiyo.

Von Batten-Montague-York, L.C. waa la-taliyayaal Siyaasadeed iyo Koox u dooda oo Hay’adaha Danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Kooxdan,ayaa ah kuwo galgal weyn leh oo hawlgalkoodu sababi karo in Dowlada Maraykanku talaabo ka qaado Mustafe Cumar.

Todobaad ka hor bay ahayd markii Duleedka Jigjiga tababar loogu soo xiray Ciidamo ubadan Da’yar aan qaan gaarin.

Ciidamadaas,ayaa loo daad gureeyay Furimaha hore ee uu ka socdo dagaalka Tigreega ay kula jirto Dowlada Abiy.

Jibril Qoobey.