W.Waxbarashada iyo Tacliinta sare Ee Puntland oo soo Gabagabaysay Imtixaanka Aqoonta Macallinka

Imtixaanka Aqoonta Macallinka ( Teacher Proficiency Test).

Waasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada puntland ayaa soo Gabagabaysay imtixaan laga qaadayay 1000 macallin oo wax ka dhiga dugsiyada Hoose/dhexe ee Puntland, imtixaanka ayaa ka dhacay degmooyinka kala ah Gaalkacyo, Burtinle, Garoowe, Qardho, Dhahar, Badhan iyo Bosaso.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay ay markii ugu horraysa bilawday nidaam lagu hubinayo in ay dugsiyada ka shaqa galaan macallimiin tayo leh buuxiyayna shuruudaha laga rabo ee macallinimo, waxaa la diyaariyay habraac hage u noqonaya qofkasta oo doonaya inuu xirfadda macallinimo kaga hawlgalo deegaanada Puntland.

Sida ku cad habraaca, Macallinkasta oo ka shaqaynaya deegaanada Puntland wuu inuu:

  1. Haystaa shahaado macallinimo oo kasoo baxday Jaamacad la aqoonsanyahay.
  2. Waa inuu ka diiwangashanyahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare gaar ahaan kaydka xogta macallinka. ( Teacher Profile Database).
  3. Waa inuu ka gudbaa imtixaanka heerka aqooneed ee macallinka kadibna ka helaa Wasaaradda aqoonsiga macallinimo. ( Certified/licenced Teacher).

Hadaba iyada oo la hirgalinayo habraacaas waxaa 1000 kii Macallin ee ugu horreeyay ee buuxiyay shuruudihii hore u fariisteen imtixaanka heerka aqoonta Macallinka ( Teacher Proficiency Teast) iyada oo macallinkii ka gudba imtixaankaas uu heli doono aqoonsi Macallinimo.

Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan macallimiinta kale ee Puntland in habraacas la mari doono oo ay waajib tahay macallinkasta inuu raaco lana hubiyo in caruurteennu ay helaan macallinkii ku habboonaa.

Ugu dambayn Wasaaraddu waxa ay u mahadnaqaysaa UNICEF iyo GPE oo maalgaliyay imtixaanka laga qaaday 1000 macalin.