Maxaad ka taqaan Diyaarada aan Duuliyaha lahayn Ee TB-2?

Turkiga ayaa sanadihii ugu danbeeyay sameeyay dhowr diyaaradood oo kuwa aan Duuliyaha lahayn,wuxuuna Turkigu noqday dalka 6-aad ee soo saara UCAV.

Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa TB-2 Bayraktar Tactical UCAV,waxaana la soo bandhigay diyaaradan 2014-kii

Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradaas ay samaysay,waxa uu ahaa 2009-kii.

Diyaaradan waxaa soo saaray oo farsameeyay Kale-Baykar iyo Baykar.

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa 100% si guul leh loo tijaabiyay 17kii December 2015 iyadoo ku hubaysan gantaalada lidka taangiyada ee Turkiga (UMTAS) oo uu sameeyay Roketsan.

Diyaaradan,ayaa sidoo kale lagu tijaabiyay sax ahaanshaheeda 100% masaafo dhan 8-km iyo joogga 5-km,iyadoo lagu tijaabiyay gantaalada UMTAS ee uu hagayo laysarka.

Xawaaraha ay jari karto diyaaradan Saacadiii waa 222 km .

Diyaaradan TB-2 ee Bayraktar Tactical UCA,ayaa hawlgalkeedii ugu horreeyay ee ay wax disho fulisay 8-dii Sebtembar 2016,xilligaasi oo uu socday howlgal ka dhan ah kooxda Turkigu la dagaalamo ee PKK.

Haatan Diyaaradan,waxaa la sheegayaa in Turkigu gacanta ugeliyay Dowlada Fadaraalka soona raaciyay Ciidan utababaran hawlgelinteeda.

Inkastoo Dowladaha Turkiga iyo Somaliya aysan soo saarin war cad oo xaqiijinaya in Diyaaradaas la keenay Dalka.

Walaaca ugu xoog badan ee la qabo waa in Somaliya oo aan lahayn Dowlad Sharciyad leh,isla markaana uu Kursiga sii joogo hogaamiyihii ku fashilmay qabashada Doorashada oo leh dhaqan kaligii talisnimo iyo aragti khaldan loo gacan geliyo Diyaarad sidaa khatar u ah.

Jibril Qoobey.