Alshabaab oo la wareegay Matabaan

Al shabaab oo dhowr iyo toban sano kadib lawaregay Degmada Matabaan.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in maleeshiyada Al-Shabaab oo wata dhowr baabuur ay magaalada kasoo galeen dhinaca galbeedka, kadibna ay calankooda ka taageen magaalada, waxaanaa Al-Shabaab ayaa lagau arkay iyaga oo dhex lugaynaya magaalada.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay qabsaday tuulooyin hoos yimaada Matabaan oo ay ka mid tahay tuulada Bacda oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada.

Magaalada Matabaan waxaa horey gacanta ugu hayn jiray maamul ka tirsan Hirshabelle, waxayna u jirta in ka badan 60KM magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.