Sawirka dhabta ah ee Xukuumadda Puntland

Dhacdadan iyo dhacdooyinkii hore ee ay ka mid ahaayeen kuwii lagu wiiqay awooddii baarlamaanka waxa ay na tusayaan sawirka dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa. Waxaa na markii ba soo baxaya qodobbada ay kuwani ka mid yihiin:

1.In ay caqabad walba oo soo food saarta ku xalliyaan qori caaraddii, xarig, iyo cagajuglayn.

2.In ay dagaal kula jiraan saddexdii tiir ee asaaska u ahaa dawladnimada Puntland oo kala ahaa:

b. Isimmada;

t. Culimada (wadaaddada); iyo

j. Ganacsatada.

3.In ay u adeegsato cashuurtii dadweynaha laga uruuriyey iyo deeqihii dawladaha shisheeye ay bixiyeen kala furfurka iyo aamusinta kooxaha xukuumadda dhaliilsan.

Markii intaa la isku daro, waxaa soo baxaysa xukuumadda in aysan dhab ka ahayn fulinta nidaamka xisbiyada badan, doonaysana in ay muddada ku sii kororsato, haddii uu dagaal dhacana lagu maareeyo qori caaraddii, iyaga oo adeegsanaya ciidan daacad u ah oo dadweynaha u cabburiya isla markaana waxa socdaa aysan door ku lahayn isimmada, ganacsatada, iyo culimada.

W.Q.: Nasruddiin M. Axmed