Jubaland:-Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa soo gaaray Magaalada Kismaanyo ee Caasimada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland MAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Xubnaha labada golle iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Kismaanyo,ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen kusoo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdule ee Magaalada Kismaanyo.

ujeedka socdaalka Laftagareen ee Kismaayo,ayaa warar laga helayo waxay sheegayaan in uu ku salaysan yahay sidii ay isaga iyo Madaxweyne Axmed uga wada xaajoon lahaayeen Kuraasta Baarlamaanka ee Labada dhinac kala jira.

Beelaha Raxanweyn iyo Ogaden,ayaa waxaa ka dhex jira muran iyo isfahan waa ku aadan Xildhibaanada kasoo kala baxa labada Maamul.