Doorashadii Kuraasta Afarta ah Ee Gobolada Waqooyi oo la badalay xiligii loo balansanaa

Afhayeenka Gudiga Doorashada qoraal uu soo saaray,ayuu ku sheegay in Axada 19-ka December la qabanayo doorashada afarta Kursi ee biri balanku ahaa in la qabto.

Afhayernku ma sheefin sababta dib loogu dhigay doorashada Afarta Kursi.

“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas. Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas,” ayaa lagu yiri qoraalka

Kuraasta la la badalay xili Doorashadooda ayaa waxa horay ugu fadhiyey xildhibaanada kala ah:

1 – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan (HOP262)

2 – Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale (HOP229)

3 – Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar (HOP254)

4 – Iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed (HOP255).