Faroole oo raaligelin ka bixiyay hadalkiisii Isimada ka caraysiiyay

Madaxweyniyeyaashii hore ee Puntland Faroale iyo Gaas oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf,ayaa hoygiisa ku booqdey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Waftiga Madsxweynayaasha iyo Boqorka,ayaa kawada hadlay xalinta khilaafka hogaanka PSF.

Dhanka kale Madaxweyne Faroole,ayaa ka bixiyay raaligelin hadalkii Gefka ahaa ee uu Isimada umarsiiyay BBC-da.

“Boqor waa kasoo hoyday hadalkaas,waxaana tihiin Isimadaydii oo aan xushmad iyo qadarin uhayo”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Faroole oo waraysi siinayay BBC-da,isagoo ka hadlaya dagaalkii Bosaso,ayuu Isimadii go’aanka kasoo saaray Bosaso ku tilmaamay in ay Baasiin kusii shubeen xaalada.

Sida wararka laga helayo Bosaso ay xaqiijinayaan khilaafka PSF,waxuu ku dhow yahay in xal waara laga gaaro.

Labada dhinac ee PSF iyo Dowlada,ayaa muujiyay dabacsanaan iyo qoordhiibasho.